Somali News

Dowladda oo ka hadashay weerar ay Al-Shabaab saakay ku qaadeen Saldhig Militeri

Muqdisho-KNN-Saraakiil u hadashay ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay in ay iska caabiyeen weerar ay  Al-shabaab saakay ku qaadeen deegaanka Ceel-Saliini oo hoostaga degamada Awdheegle ee gobolka Shabeelada Hoose, iyagoo sheegay in khasaare dhimasho iyo dhaawac ay dagaalkaas ku gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaa sheegay in ay si buuxda gacanta ugu hayaan deegaanka Ceel-Saliini, iyagoo galkaasi ka wada howlgalo lagu baacsanayo Shabaab-kii weerarka kusoo qaaday, isla markaana ku wajahanyihiin goobihii ay weerarkaasi ka soo  qaadeen.

Al-Shabaab ayaa weerarro joogto ah ku qaada saldhigyada ciidamada dowladda Soomaaliya ay ku leeyihiin inta badan gobolada dalka, sidoo kale saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa iyaguna sheega in ay howlgallo joogta ah ka wadaan gobolo oo ugu horeeyo gobolka Shabeellada Hoose, kuwaas oo ay ku baacsanayaan dagaalamayaasha Al-Shabaab.