Somali News

Dowladda oo ku baaqday in gurmad deg deg la gaarsiiyo dadkii ku barakacay Fatahaadaha.

War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay deegaanada ay saameynta ku yeesheen fatahaadaha.

Wasaaradda ayaa hay’adaha samafalka ee ka howlgalla Gudaha dalka ka dalbaday  inay si deg deg ah uga jawaabaan dadka ay xilligaan saameeyeen fatahaadaha.

Sidoo kale Wasaarada ayaa shaaca ka qaaday in Wabiyada Shabeelle iyo Jubba ay sameeyeen fatahaado,isla markana xukuumadda Soomaaliya ay ka walaacsan tahay saameynta ka dhalan karta.