Somali News

Koonfur Galbeed oo maamul u magacaawday magaalo uu Shabaab heysto

Afgooye-KNN-Wareegto kasoo baxday xaafiiska guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa guddoomiye iyo ku xigeenkiis loogu magacaabay deegaanka Jannaale ee gogolka Shabeellada Hoose.

Ibraahim Aadan Cali Najax ayaa guddoomiyaha deegaankaas u magacaabay Cabdiraxmaan Yuusuf Al-Cadaala, isagoo ku xigeenkiisa dhanka  amniga iyo siyaasadda u magacaabay Cismaan Xasan Cali.

Deegaanka Jannaale oo hoos taga degmada Marka ee xarunta gobolka Shabeellada Hoose ayaa gacanta ugu jira dagaalamayaasha Al-Shabaab, waxaana la sheegay in uu maamulka gobolku wado qorshihii looga saari lahaa.

Halkaan ka dhageyso warbixinta oo dhameys tiran:-