Somali News

Dowladda oo sheegtay in gacanta lagu dhigay Madaxii garsoorka Al-Shabaab ee Tooratoorow

Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahan kuwa sida gaarka ah u tababaran ee danab iyo kuwa amisom oo shalay la wareegay  gacan ku heynta deegaanka Tooratoorow ee gobolada shabeelada hoose ayaa la sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen labo sarkaal oo Al-shabaab u qaabilsanaa deegaankaasi iyo dagaalamayaal dhowr ah.

Saraakiisha katirsan Al-shabaab ee deegaankaasi lagu qabtay ayaa kala ah madaxii maaliyada iyo madaxii  garsoorka deegaanka Toorotoorow ee Al-shabaab u qaabilsanaa, kaasi oo lagu magacaabi jiray Macalin Abuukar iyo dagaalamayaal kale.

Afhayeenka wasaarada warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar Oronjo oo la hadlay radio kulmiye ayaa xaqiijiyay in xubnahaasi la soo qabtay, islamarkaana dhawaan la maxkamadeyn doono.

Sidoo kale Ismaaciil Mukhtaar ayaa balanqaaday in ciidamada dowladda aysan ka soo noqon doonin deeganadii ay Al-shabaab ka qabsadeen .