Uncategorized

Dowladda oo sheegtay in la dilay madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee Wanlaweyn.

Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran aaa waxaa ay howlgal ku dileen  Maxamed Cismaan(Buluush) oo ahaa madaxii  Qaraxyada Al-shabaab u  qaabilsanaa Gobolka Shabeellada Hoose.

Sarkaalka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxmed Cismaan Xuseen Buluush, waxaa uuna howlgalka ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelada Hoose.

Taliyaha Guutada 16aad kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Danab Gle/Ismaaciil Cabdi Maalik ayaa sheegay in inta aan la dilay sarkaalka uu la soo  baxay qori AK47 isla markaana uu la dagaalamay Ciidamada.       

Sidoo kale Taliyaha ayaa waxaa uu sheegay in ay sii wadi doonaan howlgalka lagula dagaalamayo xubnaha ka tirsan Al-Shabaab.