Somali News

Wasaarada xanaanada xoolaha xukuumadda Soomaaliya oo sheegtay in sanad aan la dhoofin dhuxul Sharci darro ah

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xuseen Maxamud sheikh Xuseen ayaa Sheegay in lagu guuleystay in muddo sanad ah aan dalka laga dhoofin dhuxul sharci darro ah ka dib war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiskiisa.

War saxaafadeedkan waxa uu ku saabsanyahay arrimo ahmiyad wayn u leh shacabka
soomaaliyeed iyo horumarinta bi’adda oo aay wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta
iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliyeed la wadaagayso shacabka
Soomaaliyeed. Warsaxaafadeedkan waxa uu si gaar ah u tilmaamayaa guulo laga gaaray
jaridda dhirta, ka ganacsiga iyo dhoofinta dhuxusha oo dhibaato ba’an ku haysay bi’adda
intii ka dambeysay dowladdii dhexe ee 1991.
Ahmiyadda yaraynta Xaalufinta Dhirta
• Dhirtu waxa ay nadiifisaa hawada aan neefsanno, iyada oo CO2 ka nuugta
hawada, siidaysana O2 ay nooluhu u baahanyihiin
• sidoo kale dhirtu waxa ay nadiifisaa biyaha aan cabno.
• Waxa daaq ka hela xoolaha aynu dhaqanno kuwaasoo lafdhabar u ah dhaqaalaha
dalka Soomaaliya.
• Dhirtu waxa ay hooy u tahay duurjoogta dalka kunool.
• Dhirtu waxa ay dhulka ka ilaalisaa nabaadguurka.
• Dhirta waxa laga sameeyaa daawooyin,waxaana dhaqaale ka hela dadka ka
ganacsada xabkaha iyo faleenka.
• Sidoo kale dhirta waxaa ku hoos nool noolayaal kala geddisan(microorganism) oo
nacfi u leh bi’adda, bacriminta carada,tayaysana wax soosaarka dalagyada
• Dhirtu waxa ay soo jiidataa roobabka
Dhoofka dhuxusha waxa ay socotay illaa intii ka dambeysay Dowladdii dhexe ee
Soomaaliya. Dhoofinta dhuxushaas waxa ay sababtay in laga jaro dhir aad u badan guud
ahaan dalka Soomaaliya. Dhoofintaas oo uu Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey
ka soo saarey bayaan (2036) oo soo baxey sanadkii 2012, kaa soo lagu mamnuucayey
dhuxul laga dhoofiyo Soomaaliya. Cilmi baaris ay wada sameeyeen Wasaaradda
Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa iyo hayadaha UN ka oo ka caawiya dowladda
Soomaaliya mashruuca yaraynta isticmaalka dhuxusha (PROSCAL Programme) waxaa lagu ogaaday in muddadii u dhaxaysay 2011-2017 dalka Soomaaliya laga jaray qiyaastii
8 Milyan oo geed.
Waxa Sharaf ii ah inaan idinla wadaago waxqabad muhiim ah oo ay Wasaaradda
Xannaanada Xoolaha ,Dhirta iyo Daaqa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku
howlaneed muddo dheer kana guulgaartay. Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya
waxa ay ku guuleysatay in aan waddanka laga dhoofin dhuxul laga soo billaabo bishii
Agoosto 2018, xilligaas oo laga joogo muddo ka badan sannad iyo saddex bilood,
warbixintaas oo ay hay’adda UN Monitoring Group ku soo bandhigtay bishan Nofember
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayey ku ammaantay in xukuumadda
Federaalka Soomaaliya ay ku guulaysatay in ay joojiso dhoofka dhuxusha sharci darrada
ah laga soo billaabo bishii Agoosto 2018 kii illaa maanta aan wax dhuxul ah laga
dhoofin dhammaan dalka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya . taas oo ah guul u
soo hoyatay shacbiga Soomaaliyeed. Waa waqtigii ugu dheeraa oo aan waddanka dhuxul
laga dhoofin tan iyo intii ka dambeysay dowladdii dhexe ee Soomaaliya, 1991.
Sidoo kale Xukuumaddu waxa ay walaac ka muujinaysaa inay wali jiraan goobo ka mid
ah dalka oo ay wali ka socoto xaalufinta dhirta oo lagu diyaarinaaayo dhuxul si dibedda
loogu dhoofiyo , haddaba xukuumaddu waxa ay ka codsanaysaa shacabka Soomaaliyeed
inay ku soo wargaliyaan xukuumadda meelaha wali ay ka socdaan diyaarinta dhuxusha
iyo xaalufinta dhirta ee dalka Soomaaliyeed .
Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya waxa ay ku guuleysatay in ay badbaadiso
dhirtaas la dabargoynayey in muddo ah, sidoo kalena waxay xukuumaddu qorsheysay,
fulineysaana sidii ay dib u dhireyn ugu sameyn laheyd dhulkii la xaalufiyey.
Xukuumaddu waxay diyaarisay siyaasadda qaran ee dhuxusha, waxayna wasaaraddu ku
howlantahay sharciga dhuxusha kaasoo wax wayn ka tari doono yaraynta isticmaalka
dhuxusha ee gudaha iyo dhoofinta dhuxusha , sharcigaas oo lagu qeexaayo hab
ciqaabeedka dadka ka shaqeeya ama dhoofiya dhuxusha. Sidaas oo kale xukuumaddu
waxa ay dhiirrigalinaysay in ay shacbiga barto isticmaalka gaaska dabiiciga ah, si dadku
u helaan tamar kale oo ay uga maarmaan isticmaalka dhuxusha. Waxa inoo qorsheysan
in aan goor dhaw ka qeybinno gaaska la shito dhammaan caasimadaha dowlad
goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa aan kula dardaarmayaa shacbiga Soomaaliyeed inay garab istaagaan dowladdooda
kuna gacansiiyaan sidii loo badbaadin lahaa dhirta,taas oo ka mid ah kheyraadkooda
dabiiciga ah, Isla markaana ay ka shaqeeyaan dib u beeridda dhirta oo ay ku
howlantahay.