Somali News

Dowladda oo sheegtay inuu isa soo dhiibay ninkii Al-Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada.

Muqdisho-KNN-Yuusuf Ahmed Cadow oo Alshabaab u qaabilsanaa Qeybta Qaraxyada ayaa maanta isku soo dhiibay Ciidamada Xoogga Dalka Gaar ahaan Kuwa Ka howlaka Magaalada Garbahaarey ee Xarunta Gobalka Gedo.

Yuusuf oo xiriira kale duwan la soo sameeyay Sarakiisha Ciidanka, iyadoona ay suurogashay saaka inuu soogaaro in uu iska soo dhiibay Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Magaalada Garbahaarey ee Gobolka Gedo.

Waayahaanba waxaa isa soo tarayay baxsadka Al-shabaab, kuwaasi oo si isdaba joog ah isugu soo dhiibayay Dowladda Soomaaliya, si ay u helaanb nabadgelyo iyo mustaqbal wanaagsan.