Somali News

Dowladda oo war ka soo saartay Muranka Badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Muqdisho-KNN-Dowladda federaalka Soomaaliya  ayaa waxaa ay faahfaahin ka bixisay kulan  maanta  Magaalada Nairobi ku dhexmaraya hogaamiyaasha Wadamada Soomaaliya, itoobiya iyo Kenya.

Waxaa ayna  cadeysay dowladda in marnaba aysan ka tanaasuli doonin  Dacwadda Badda ee taalla Maxkamada Cadaaladda Aduunka ee ICJ.

Afhayeenka madaxtooyadda Soomaaliya, Cabdinur Maxamed Axmed, oo ka mid ah wefdiga la socda madaxweyne Farmaajo ayaa bartiisa Facebook ku sheegay  in kiiska badda lagu muransan yahay ee yaalla Maxkamadda Caddaaladda Adduunka aan wax gorgortan ah laga geli doonin.

“Kenya waa dal ay naga dhaxeeyaan dano badan oo waxtar u leh labada dhinac, soocelinta xiriirka diblomaasiyadeedna waxaan u aragnaa tallaabo horusocodnimo ah’ ayuu yiri Afhyeenka Madaxtooyada Soomaaliya.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in wax gorgortan aysan ka gali doonin muranka u dhexeeya dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

“Kiiska ay gacanta ku hayso Maxkamadda Caddaaladda Adduunka ee Badda  wax gorgortan iyo wada hadal ah kama furna,  Waxaan ka war sugeynaa go’aanka maxkamadda, Hal taako oo dhulkeenna kamid ah wada hadal ka gali mayno”