Somali News

Dowladda Pakistan oo ku hanjabtay in ay weerari doonto Hindiya.

Muqdisho-KNN-Dowaladda Pakistan ayaa sheegtay inay ka jawaabi doonto “waqtiga iyo goobta ay iyadu doorato” kaddib markii Hindiya ay duqeymo dhanka cirka ah ku qaadday maleeshiyaad ku sugan gudaha waddanka Pakistan.

Hindiya ayaa sheegtay in ay dishay tira badan oo maleeshiyaad ah hasayeeshee Pakistan ayaa warkaasi ugu yeertay mid ay “mas’uuliyad darro” ku dheehan tahay.

Xiisadaha u dhaxeeya dalalka dariska ah ee hubka nukliyeerka ah haysta ayaa aad sare ugu kacay kaddib markii weerrar lagu qaaday ciidammada Hindiya ee ku sugan Kashmir.

Weerrarka ayaa waxaa sheegtay urur uu saldhiggiisu yahay waddanka Pakistan, waa Jaysh Muxamed ee, Hindiyana waxa ay markaasi wacad ku martay inay aargoosan doonto.

Hindiya waxa ay Pakistan ku eedaynaysaa in maleeshiyaadka ay u ogolaatay inay dalkeeda ka howlgalaan, arrintaas oo ay Pakistan diidan tahay