Diyaarad siday gargaar ka yimid dowlada Qatar ayaa maanta markii labaad waxaa ay timid caasimadda dalka ee Muqdisho.
Gargaarka labaad ee dowlada Qatar uga qeyb qaadaneyso fatahaadaha Wabiyada dalka ayaa ah wejigii labaad waana deeq ka duwan tii hore oo ku koobneyd Agabka dhaxanta iyo maro kaniicooyinka.
Guddiga gurmadka fatahaadaha Wabiyada oo gurmadka la wareegay ayaa wada qorshe si deg deg ah gurmadkaan loogu gudbinayo gobolada fatahaaduhu ka jiraan.
Fatahaada Webiyada shabelle iyo Jubba ayaa saameyn Ku yeeshay qoysas badan, kuwaasi ka barakacay magaalooyinkii ay Ku noolaayeen


