Muqdisho-KNN-Ruushka ayaa Beesha caalamka ugu Baaqay in la qaado tilaabooyin lagu xoojinayo Ciidamadda Military-ga Soomaaliya iyo kuwa Midowga Africa ee AMISOM, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa sidaas ku sheegay Wareeysi uu siiyay Wargeeys laga leeyahay.
Wuxuu sheegay in Ciidanka AMISOM ay wali taageero muhiim ah siiyan Ciidamadda Militry-ga Soomaaliya oo dagaal kula jira Al-shabaab.
“Xaaladda uu wadanku hadda ku suganyahay, Doorka Ruushku waa in Beesha Caalamka ay sii wado Dadaaladda Taageeradda ah ee Ciidamadda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM” ayuu yiri Sergei Lavrov
Wasiirka Arrrimaha Dibadda ee ruushka ayaa sheegay in Qilaafaadka gobolka ka taagan loo baahanyahay in la xaliyo iyadoo loo mariyo wada hadal, Caqabadaha ay ka mid yihiin arga gixisadda, Burcad Badeedda iyo Dambiyadda Xuduudda ka goosha oo ayuu sheegay in lagama maarmaan at tahay in xal loo helo si Gobolka uu horumar u sameeyo.
Ka sokoow baaqa beesha caalamka Lavrov ma uusan sheegin waxa doowladiisu ay ku taagereeyso Dowladda Soomaaliya iyo Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.