Muqdisho-KNN-Shiinaha ayaa sheegay in uu soo rogayo Canshuuro dhan $60 billion oo uu saarayo Alaabta ka timaada Mareeykanka taasi oo bilaabaneeysa 1 Jun, waa talaabo balaarineeysa dagaalka Ganacsi ee kabadda dhinac.
Waxaa uu Go’aanka Shiinuhu imaanayaa kadib markii Mareeykanku uu $200 Billion oo Canshuur ah saaray Badeecadda uga timaada Shiinaha.
Xiisadda dalalka u dheeysa waxay saameysay suqyada saamiyadda.
Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa uga digay Shiinaha in uu aar-goosi sameeyo laakiin Kuxuumadda Beijing aya sheegtay in aysan marnaba laqayn “mir wanaagsan” oo dhaawaceeysa danaheeda.
Waxaa sidoo kale la eegaya dagaalka u dhexeeya dalalka ugu dhaqaalaha badan dunidu uu u saameeyo Dunida kale.