Muqdisho-KNN-Dowladda Shiinaha ayaa amar ku bixisay in dalkeeda ay ka tagaan wariyaal shisheeye oo kasoo waramayay caabuqa dilaaga ah ee ka dilaacay dalkaasi.
Wariyaashan oo u shaqeenayay majalada Wall Street Journal ayaa lagu eedeeyay in ay tabinayeen warar been abuur ah oo xaqiiqda ka fog.
Afhayeenka wasaaradda arimaha dibada ee dowladda Shiinaha ayaa sheegay in shacabka Shiinaha aysan soo dhaweenween daabacaada warar ku saleesan faquuq.
Feyraska dilaaga ah ee ka dilaacay Shiinaha ayaa illaa iyo haatan waxa uu galaaftay nolosha in kabadan 2,000 oo ruux isagoona sidoo kale soo ritay dad kor u dhaafaya 75,000 oo ruux.