Somali News

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo ka wada hadlay dagaaladii ka dhacay Xadka Itoobiya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, ahna Ku-simaha Madaxweynaha ayaa maanta waxaa uu kulan la qaatay Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Amb James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay weeraradii ugu dambeeyay ee ay Al-shabaab ka geysteen qeybo ka mid ah gobolada dhaca xadka aynu la wadaagno Dalka Itoobiya, kuwaasi oo muddo afar maalin ah socday, kana dhashay khasaare kala duwan.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar gelin lahaa taageerada ay Qaramada midoobay siineyso ee dhinacyada Iskaashiga iyo wax ka qabashada Abaaraha.