Uncategorized

Dowladda Soomaaliya oo beenisay in loo diiday Codkii ay ku laheyd Shirka Golaha Guud ee Q.M.

Muqdisho-KNN-Abuukar Daahir Cusmaan “Abuukar Baalle” oo ah Safiirka Soomaaliya u fadhiya Q.M. ayaa beeniyay in ay Soomaaliya Lumisay Codkii ay ku laheyd Shirka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay kaas oo ka socda magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Danjiraha Soomaaliya ee Qaramada Midoobay ayaa Wareysi uu siiyay VOA waxa uu sheegay in ay jirto Lacag lagu leeyahay Soomaaliya oo ka timid Ilaa 15-kii sano ee la soo dhaafay balse taas aysan Saameyn ku yeelan doonin Codkii ay ku lahaayeen Shirka Golaha.

Danjire Abuukar Baalle ayaa Sheegay in Soomaaliya lagu leeyahay Lacag dhan ($ 1,400,000 ) Hal Milyan iyo Afar Boqol oo kun oo doolar sanad walbana looga baahan yahay Soomaaliya in ay Gudbiso Cudur daar aysan lacagtaasi ku bixin karin Islamarkaana laga Aqbalo, sanadkaana ay la mid tahay sanadihii hore.

Hadalka Dowladda Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli Baraha Bulshada lagu baahiyay Qoraal la sheegay in uu ka soo baxay Golaha Guud ee Qaramada Midoobay taas oo lagu sheegay Liiska Wadamo ay Soomaaliya ku jirto oo lagu leeyahay Lacago deyn ah oo sanad walba dalalka ka tirsan UN-ka ku bixiyaan Qaaraanka Xubinimada Q.M.