Somali News

Dowladda Soomaaliya oo cadaadis siyaasadeed ku tilmaantay go,aankii Kenya

Muqdisho-KNN-Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay uga hadashay go’aankii ay dowladda Kenya ku joojisay duulimaadyadii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi, go’aankaas oo lagu tilmaamay in uu yahay mid siyaasadeysan, xiriirna lala sameyn doono hey’adaha ay khuseyso arrintaan.

” Dowlada Federaalka Soomaaliya waxay aad uga xuntahay go’aanka ay gaartay
dowladdaKenyaeeahinduullimaadyadiitooskaahaaeeMuqdishoiyoNayroobimaanta
loo leexiyay magaalada Wajeer, talaabadaas oo ay dowladdu u aragto mid culeys lagu
saarayo dhaqdhaqaaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed.

DFS waxay u aragtaa arrintani mid siyaasadeysan oo aan u wanaagsanayn xiriirkaderisnimo, is-afgaradyadii hore ee labada dowladood ka dhaxeeyay, ganacsiga iyo isusocodka labada shacab.

DFS waxay u taagan tahay dhawrista sharafta iyo karaamada ummadeeda iyo
qaranannimadeeda,waxayna ugu baaqaysaa dowladda Kenya in ay dib ufiiriso tallaabadan
culeyska ku ah ganacsiga iyo isusocodka labada shacab ee walaalaha ah.

DFS waxay xiriir la sameyn doontaa hay’adaha ay khuseyso arrintan, iyadoo qiimeyneysa
tallaabada ku haboon ee ay qaadeyso”, ayaa lagu yiri war-Saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Soomaaliya.

Halkaan ka Akhriso:-