Uncategorized

Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay Shacabkii lagu Xasuuqay Qaraxii Shalay

 Muqdisho–KNN–Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysan falkii  Shalay Galinkii dambe  lagu Qarxiyay Dadka Shacabkaa ee ku sugnaa Afaafka hore ee Bacadlaha Xamar-weyne iyo Kaalinka Shidaalka ka soo horjeeda Bacadlaha Degmada Xamar-weyne.

Gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo la dhigay Kaalinta Shidaalka Ceelgaab hortiisa ayaa qarxay Shalay Galab oo gaari caasi ah oo rakaab shacab ah siday la kulmay qaraxaas oo 7 ruux ay u geeriyoodeen, halka 8 uu dhaawac ka soo gaaray.

Kooxaha argagaxisada ayaa caadeystay inay shacabka bar-tilmaameystaan, tanoo ah fal fuleynimo ah oo ay ku raadinayaan in Al-Qaeda u sheegaan inay weli Soomaaliya joogaan.

Dawladda Federaalka ayaa si kulul u cambaareysay falkan argagaxisadu la beegsatay shacab aan waxba galabsan. Dawladda ayaa qoysaskii iyo shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeysey intii ku geeriyootay, una rajeysey inta dhaawaca noqotay inuu EEBBE u fududeeyo oo ay caafimaad waara helaan.

Kooxaha argagaxisada ayaa ka soo horjeeda horumarka dhanka amniga ee isa-soo taraya, waxeyna rabaan in shacabku argagaxo oo dawladnimada iyo nabadu wiiqdo. Dawladda Federaalku wey ka go’antahay inay laba jibaaraan dadaalkooda sugida amniga iyo nabadeynta oo falalka noocan oo kale ah waxey keeneysaa in la xoojiyo amniga iyo nabadeynta sidaa ayaa lagu yiri Warsaxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya.