Muqdisho-KNN-Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dallacsiiyay saraakiil ka tirsan Booliiska Soomaaliya kadib markii taliyaha Booliisku soo jeediyay in la dallacsiiyo saraakiishaasi.
Ra’iisul wasaara ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng:Yariisoow) ayaa xalay waxaa ay ka qeyb galeen munaasabad lagu dalacsiiyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, iyaga oo darajooyinka u xiray Saraakiisha la dalacsiiyay.
Saraakiisha munaasabadan lagu dalacsiiyay ayaa waxaa kamid ahaa Taliyaha qeybta guud gobolka Banaadir ee Ciidanka Booliiska Soomaaliyed Ex-G/Sare Saadaq Cumar Maxamed oo loo dalacsiiyay sareeye Guuto,sidoo kale la dalacsiiyay taliye ku-xigeenka qeybta guud gobolka Banaadir Ex G/Dhexe Maxamud Cabdiqaadir Xaaji (Jeego) oo loo dalacsiiyay G/Sare iyo sarkiil kale.
Mahad Korow (Gaashaanle)
Axmed Qadar (Gaashaanle)
Taliye Mooshin (Gaashaanle)
Yuusuf Xundubey (Gaashaanle Dhexe)
Bashiir Durqun (Gaashaanle)
Farxaan Maxamuud (Gaashaanle)
Yaasin Nuur Khayre (Gaashaanle)
Moha Jeego (Gaashaanle Sare)
Jeneraal Saadaq. (Sareeye Guud).
Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed( Khadar) oo darajooyinka Ciidan u xiray saraakiisha la dalacsiiyay ayaa sheegay in saraakiishaan sababaha loo dalacsiiyay ay keentay inay qeyb weyn ka qaateen sugida Amniga Magalada Muqdisho.