Uncategorized

Dowladda Soomaaliya oo dib u shaqa gilineyso Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka.

Muqdisho-KNN-Wasiirka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya Eng Cabdi Canshuur Xasan oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay wado qorshe ay dib ugu Howlgilineyso Hay’adda Isgaarsiinta Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in meel wanaagsan uu marayo dadaalada Dowladda ay dib ugu soo noolayneyso Hay’adda Warbaahinta Soomaaliya taas oo meesha ka saari doonto Caqabado badan oo dhinaca Isgaarsiinta ka jira.

Hadii dib loo Howlgiliyo Hay’adda Isgaarsiinta Dalka ayaa la sheegay in Warbaahinta iyo Shirkadaha Isgaarsiinta ay license ka goosan doonaan Xafiiska Wasaaradda Boostada Soomaalida sida uu sheegay Wasiirka.

Mr. Canshuur ayaa ku sugan Dalka Jabuuti wuxuuna halkaasi kula kulmay wasiirka wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta Jabuuti isagoo kala hadlay Arimo quseeyo Isgaarsiinta Soomaaliya.