Uncategorized

Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay in loo dabaal tago Badda.

Muqdisho-KNN-Kulankii Shalay ee Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay dad badan oo ku dhintay Badda kadib markii ay qaaday iyagoo ku dabaalanaya Falkaas oo ka dhacay Xeebaha Magaalada Muqdisho.

Goluhu waxay sheegeen in la diiwaan giliyay dad badan oo ku dhintay Xeebaha Magaalada Muqdisho oo shalay oo ugu danbeysay Badda ay soo tuftay wiil dhalinya ah Labo kalane laga soo badbaadiyay oo walaalo ahaa Sababtuna waxa uu ku sheegay Badda oo aad u kacsan.

Eng C/raxamaan Cumar Cusmaan “Yariisow” Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa Waalidiinta Soomaaliyeed uga digay in caruurtooda ay u soo diraan Badda maanta oo jimco ah iyo maalmaha kale oo ay badda kacsan tahay.

Sidoo kale Ciidamada Booliska ayaa lagu amray in ay taxadar ay galaan oo ay ku badnaadaan agagaar Badda lagana celiyo Caruurta iyo Haweenka in ay u soo dabaal tagaan Badda oo aad u kacsan.

Shalay ayaa meydka wiil dhalinyar oo ay badda soo tuftay lagu arkay Jamalada Degmada Xamar weyne waxaana sidoo kale laga soo badbaabiyay Gabar iyo wiil walaalo ahaa oo ay qaaday Badda kadib Markii ay u dabaal tageen.