Somali News

Dowladda Soomaaliya oo digniin u dirtay Hey’adaha degan Xalane

Muqdisho-KNN-Warqad kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo duuulista Hawada Soomaaliya, ayaa fariin loogu diray Hey’adaha Caalamiga ah ee degan Xerada Xalane ee magaalada Muqdisho, sida Qaramada Midoobey, Midowga Yurub, AMISOM, Safaaradaha Caalamka, Sharikadaha duullimaadka iyo dhamaan Hey’adaha kale ee Caalamiga ah.

Wasaaradda ayaa Warqada  ay soo saartay waxey Hey’adahaas ku ogeysiisay Magaca rasmiga ah ee Garoonka Diyaaradaha in ay u isticmaali karaan oo kaliya, Garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde oo ah magaca saxda ah, balse aysan u isticmaali Karin  Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Muqdisho.

Madaxweynihii ugu horeeyey ee Soomaaliya Aadan Cabdulle Cismaan (Aadan Cadde) ayey sheegtay Wasaaradu in lagu maamuusayo tallaabadaan, waxeyna Hey’adaha Caalamiga ah ee ka howlgala Soomaaliya ay ku adkeysay Wasaaraddu  in warqadaha Dicomintiyada ah, ay u adeegsadaan magaca saxda ah ee Garoonka.

Hoos ka Akhriso Warqadda:-