Somali News

Dowladda Soomaaliya oo diiday codsigii Kenya

Dowladda Soomaaliya ayaa diiday dalab Kenya ay soo saartay oo ahaa in dib loo dhigo waqtiga la dhageysanayo dacwada badda ee hortaala maxkamadda caalamiga ah.


Wasaararadda arimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay aysan aqbaleyn  dalabka Kenya ku codsatay  dib u dhigista waqtiga maxkamadda , waxayna sheegtay in ay muhiim tahay dacwaddaas waqtigii maxkamaddu u qabatay in la qaado.


Kenya ayaa qabta walaac xoogan oo ku aadan in ay ku guul dareeysaneyso damaceeda badda Soomaaliya.


Shan maalmoood kadib oo ku beegan 9-ka bishaan September ayaa qorshuhu yahay in qareenada Soomaaliya ay maxkamadda adduunka ka hor jeediyaan dacwada iyo cadeymaha muujinaya in Soomaaliya leedahay halka ay Kenya muranka gelineyso ee badda Soomaaliya.