Uncategorized

Dowladda Soomaaliya oo Guddi u saartay baaritaanka dhacdadii Bariire

Dowladda Soomaaliya ayaa  ku dhawaaqday inay Guddi u saartay dhacdadii shalay ka dhacday deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaasoo lagu laayay 10 ruux oo beeraley ahaa.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa oo la hadlay wakaalada wararka ee SONNA ayaa sheegay in la sameeyay Guddi baaritaan dhab ku sameeyay dhacdadii Bariire.

“Guddi baaritaan ku sameeyay dhacdadii Bariire ayay dowladdu u saartay, lagama hari doono inta laga xaqiijinayo waxa sababay arrintaas”ayuu yiri Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow.

Guddigan ayaa waxaa Guddoomiye u ah Wasiirka Amniga, waxaa xubno ka ah Wasiiro iyo saraakiil ciidan, kuwaasoo lagu wado inay tagaan goobtii uu falka ka dhacay.

Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Xildhibaano, Taliyaha Ciidamada ayaa saacadihii la soo dhaafay kulamo deg deg ka yeelanayay dhacdadan oo noqotay mid jahwareer badan dhalisay qaababka ay uga hadleen Wasiiro ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka oo wehlinayay Ciidamo Mareykan ah ayaa shalay subax howl gal ay ka sameeyeen Beer ku taalla agagaarka Bariire waxaa ay ku dileen illaa 10 ruux oo isugu jiray carruur iyo dad waayeelo ah.