Islamabad-KNN-Dowladda Soomaaliya ayaa dalka Bakistaan waxaa ay dowladda dalkaasi kula saxiixatay heshiis dhanka Tiknolojiyadda ah gaar ahaan sameynta aqoonsiyada muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Heshiiska ayaa maanta oo jimce ah waxaa uu ka dhacay Magaalada Islamabad ee dalka Pakistan waxaana dowladda Soomaaliya u saxiixay safiirka Somalia ee Bakistan Khadiijia Maxamed Makhzuumi iyadoo dhanka Bakistaana u saxiixay wasiirka arimaha gudaha dalkaasi Axsaan Iqbaal , Waxaana goob joog ahaa Reysulwasaaraha Bakistaan iyo mas’uuliyiin kale oo dowlada wadankaasi ka tirsan.
Heshiiska ayaa dowlada Soomaaliya waxaa uu muhiim ugu yahay oo laga gacansiinayaa in ay la socto dhaq dhaqaaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo xuduudaha dalka.
Ibrahim Moalim Abdullah oo ah Saxafi madaxbanaan kuna sugan Islamabad ayaan KNN uga waramay waxaana uu tilmaamay in xilli dhaw la rajeynayo in la guda galo dhameystirka heshiiska.
Heshiiskan ayaa hadii uu dhaqan galo waxaa Dowladda Soomaaliya sidoo kale u fududaan doonta qabashada doorashooyin qof iyo cod ah waa marka muwaadinkasta loo sameeyo aqoonsi ay dowladuna la socoto dhaq dhaqaaqa muwaadinkasta.