Somali News

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dad ku sumoobay caano ay cabeen

Muqdisho-KNN-Kaddib markii magaalada Gamboole ee gobalka Shabeellada dhexe lagu arkay dad lagu sheegay inuu soo ritay cudur aanan la aqoon,  kaasi oo dilay in ka badan 7 ruux halka ay la ildarnaayeen dad ka badan 10 ruux kuwa oo iyane loo soo qaaday magaalada Muqdisho.

Dadkan ayaa la dhigay isbitaalka Martiini ee degmada Xamarweyne ee gobalka Banaadir,  waxaana halkaasi  ku booqday wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya.

Cabdullaahi Xaashi Cali oo ah agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka ee xukuumadda Soomaaliya oo la hadlay radio kulmiye ayaa faafaahin ka bixiyay dadka cudurka aanan la aqoon uu kusoo ritay deegaanka gamboole.

Agaasime Xaashi ayaa tilmaamay in dadkaasi ay ku sumoobeen cunno ama biyo ay cabeen kaasi oo markii dambe sababay dhimasho 7 ruux ah.

Dadka la ildarnaa ee Muqdisho la keenay ayuu ku sheegay inay haatan ay bad qabaan kadib markii baxnaano loo sameeyay.