Somali News

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay rabshadaha ka socda dalka Koofur Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa war kasoo saartay dhibaatooyinka saacadahii lasoo dhaafay ka dhacay dalka dalka Koofur Afrika gaar ahaan dhibaatooyinkii  ay la kulmayeen muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas

War qoraal ah ee kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Soomaaliya ay aad uga waalacsantahay rabshadaha iyo boobka ka dhacay dalka Koofur Afrika 72 saac ee lasoo dhaafay, kuwaasi oo lagu dilay ilaa afar muwaadiniin oo Soomaali ah, hantidoodana lagu boobay.

Dowladda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dowladda Koofur Afrika in ay ilaaliso ammaanka iyo xaquuqda muwaadiniinta Soomaaliyeed iyo hantidooda maadama dalkaas ay ka dhaceen rabshado.

Ugu yaraan 45 qof ayaana ku dhimatay qulqulatooyinka ka socda dalka Koonfur Afrika ee ka dhashay xabsi u taxaabidda madaxweynihi hore ee dalkaasi Jacob Zuma.

Dadkaasi waxaa ka mid ah 10 qof oo ku dhimatay isbuurasho ka dhacday xilli la boobayey goobo ganacsi oo aad u weyn oo ku taalla Soweto.

Ugu yaraan 800 oo qof oo rabshadahaasi qayb ka ahaa ayey booliska xirxireen.

dalka Koofur Afrika labadii maalin ee lasoo dhaafay ay ka dhacaayeen rabshado ay ku dhinteen dad soomaaliyeed ayaa ka socday wadankaas iyadoo dowladda koonfur Afrka ay la tacaaleyso sidii loo xakameyn lahaa rabshadahaas, islamarkaana waxaa ciidamo dheeraad ah la geeyey magaalooyin waa weyn oo ku yaal dalkaas si loo xakameeyo dadka dhaca geysanaya.