Uncategorized

Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay Weerarkii ka dhacay Barcelona

Muqdisho–KNN– Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa Cambaareyn kala dul dhacay Weerarkii Dadku ay ku dhinteen ee Shalay ka dhacay Magaalada Barcelona ee Wadanka Spain .

Ra’iisul Wasaare Kheyyre oo War Kooban soo dhigay Bartiitsa Twiterr-ka ayaa sheegay inuu Cambaareynayo Weerarka lagu qaaday Shacabka Magaalaada Barcelona islamarkaana uu yahay Weerar Argagixiso.

Madaxda Dowladda Soomaaliya ayaa lagu Eedeeyaa in ay Cambaareeyaan Weerarada ka dhaca Wadamada Yurub,iyadoo Dalka Gudihiisa ay ka dhacaan Weeraro aan kala go’la heyn oo lagu laayo Shacab Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan.