Somali News

Dowladda Soomaaliya oo ka tacsiyeyday khasaaraha qaraxyadii ka dhacay Beirut

Muqdisho-KNN-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dowladda iyo dadka reer Lebanon uga tacsiyadeysay khasaaraha ka soo gaaray qaraxyadii ka soo gaaray qaraxyadii ka dhacay caasimadda dalka Lebanon ee Beirut.

Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed oo qadka telefanka kula hadlay Ra’iisul Wasaaraha dalka Lubanon Xasan Diyaab ayaa uga tacsiyadeeyay qaraxii ka dhacay Beirut.

Qaraxyada ayaa ka dhashay 2,750 tan oo ah maadada kiimiikada Ammonium Nitrate-ka loo yaqaano, taas oo lixdii sano ee la soo dhaafay ku keydsaneyd bakhaarro ku yaalla dekedda magaalada Beirut. Sidaas waxaa goor dhaw warbaahinta u sheegay Madaxweynaha dalkaas Mishaal Cown.

Waxaa illa hadda la xaqiijiyey geerida 78 qofood iyo dhaawcayada 4,000 qof oo kale, isla markaana waxaa weli socda gurmadka dadka looga soo saarayo dhismayaasha burburay hoostooda.

Ra’iisul wasaaraha dalka Lebanon Xasan Diyaab oo goor dhexe oo xalay ah hadlay ayaa dadka reer Lebanon ka dalbaday inay isu gurmadaan, si loo badbaadiyo dadka dhaawacmay iyo kuwa weli burburka ku hoos jira.

Dhibaato rabaani ah ayuu u sheegay dadkiisa inay ku dhacday, isla markaana ay ku qancaan qadarta Rabbi, iskuna gurmadaan, isaga oo u balan qaaday in dowladdu ay dadaaleyso inta karaankeeda ah.

Ra’iisul wasaare Xasan ayaa dowladaha caalamka intooda awooda ka dalbaday inay u soo gurmadaan oo ka gacansiiyaan sidii dadka ku nool magaaladan ay dhibaatadu ka dhacday ee Beirut loo samata  bixin lahaa.

SAWIRRO