Somali News

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan in lagala noqdo maamulka Hawada dalka

Muqdisho-KNN-Hey’adda Duulista Rayidka ah ee Soomaaliya oo ku dhawaad 30-sano kaddib la soo wareegtay maamulka Hawada dalka,  ayaa sheegtay in ay mar kale walaac ka qabto,  in dib loogala wareego maamulka Hawada Soomaaliya.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka ee Soomaaliya, Axmed Macalin Xasan oo la hadlay Warbaahinta dowladda,  ayaa sheegay  in shirciga Duulista rayidka oo haatan hor yaalla golaha Aqalka Sare ee Baarlamanka Soomaaliya, ay wax badan uga xiranyahay howlaha Duulista Hawada.

“13 ka bishan waxaa Nairobi ka dhici doono shir looga hadlayo Hawada Soomaaliya, anagoo ugu horeyn nala wey diin doono sharcigii duulista Hawada” ayuu yiri Axmed Macalin Xasan.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya, ayaa sheegay in xildhibaannada Golaha Shacabka ay 4-tii bishan meel mariyeen sharciga Duulista rayidka ee Hawada Soomaaliya, waxaana uu Senatorrada Golaha Aqalka Sare ka codsaday inay sharcigan sida ugu dhaqsiyaha badan u ansixiyaan.

Maareeye Axmed ayaa tilmamay in Hey’adda Duulista Rayidka Soomaaliya ay hadda soo saarto 22 milyan, haddii sharciga la ansixiyana ay hey’adda soo saari doonto ku dhawaad 50 milyan oo doolarka Mareykanka, sida uu hadalka u dhigay.