Muqdisho-KNN-Mahdi Maxamed Guuleed R/wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa maanta daah furay qalab casri ah oo saaraya Maraakiibtii ku bur buray Biyaha Badda iyo qashinka ku dhex jira.
Qalabkan oo ay keentay shirkadda Albeyrak ee ka howlgasha Dekadda Muqdisho ayaa waxaa goob joog ka ahaa goobta lagu daah furayay Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac,mareeyaha Dekadda ee shirkadda Albeyrak Sami Erol,Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.
Mahdi Maxamed Guuleed Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Soomaaliya ayaa sheegay iney ku faraxsan yihiin in maanta ay daah furaan qalabka caro saarka iyo qashin saarka Dekadda Muqdisho,taasoo suurta gal ka dhiganeysa in Maraakiib fara badan oo xamuulkooda culus yahay ay ku soo xirtaan Dekadda.
Maryan Aweys Jaamac Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda, ayaa tilmaamtay in hadda ay gacanta ku hayaan nidaamkii lagu maamuli lahaa maaliyadda iyo qaabkii loo jiheynaa Maraakiibta Dekadda ku soo xirta.