Somali News

Dowladda Soomaaliya oo lagu casuumay Shir ka dhacaya dalka Shiinaha

Muqdisho-KNN-Agaasimaha Waaxda Asia iyo Australia ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Shirwac Cabdullaahi Ibraahim, ayaa shalay oo Arbaco ah ku qaabilay xafiiskiisa Wasaaradda, Safiirka Jamhuuriyadda Shacbiga China ee Soomaaliya, Mudane Qin Jian.

Bilowgii kulankaba, Agaasime Shirwac waxa uu guddoomay casuumaad rasmi ah oo ku socotay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga oo ka timid dhiggiisa China si uu uga qeybgalo kulanka wadatashiga heer Wasiir ee Madasha Iskaashiga Shiinaha iyo Afrika (FOCAC) oo lagu qaban doono bisha June dalka China.

Intii lagu guda-jiray kulanka, ayaa waxaa looga wada hadlay xiriirka laba geesoodka ee labada dal ee saaxiibada ah u dhexeeya si gaar ah dhinacyada iskaashiga iyo wax wadaagga istiraatiijiyadeed.