Baydhabo-KNN-Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa maanta markale waxaa la geeyay Ciidamo kale oo laga qaaday magaalada Muqdisho kuwaas oo ku biiraya ciidamo kale oo hore laba jeer Baydhabo looga dejiyay.
Diyaarad siday tobaneeyo ka mid ah Booliiska Soomaaliya ayaa maanta ka digtay garoonka Baydhabo waxaana la sheegay in halkaasi ay ku soo dhaweeyeen saraakiil iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan koofur Galbeed.
Tirada Ciidamada ee maanta la geeyay Baydhabo ayaa lagu sheegay 50 Askari waxayna noqonaysaa markii 3aad oo Ciidamo ka baxay Muqdisho la geeyo Baydhabo oo ay ka socoto diyaar-garowga doorashada Koofur Galbeed ee Soomaaliya.
Guud ahaan tirada Ciidamada ee laga qaaday Muqdisho oo la geeyay Baydhabo ayaa ah 200 Askari kuwaas oo ka tirsan Booliiska sida gaarka ah u tababaran.
Waxaa isa soo taraya qayla dhaanta ku aadan walaaca laga qabo Ciidamadaan Baydhabo lagu wado oo laga daad gureynayo magaalada Muqdisho oo iyadaba la daala dhaceyso dilal iyo dhac ay geysanayaan Al-shabaab,Daacish iyo Kooxo burcad ah.


