Somali News

Dowladda Soomaaliya oo shatiga kala laabatay shirkada duulimaadka ee Jubba Airweys

Muqdisho-KNN-Dowladda Soomaaliya ayaa Shatiga kala noqotay shirkadda duulimaadka ee Jubba Airways kadib markii lagu eedeeyay shirkadda in ay u kireesneed diyaaradii shalay ka degtay magaalada Kismaayo ee Gobalka jubbada Hoose.

Shirkadda duulimaadka ee Jubba Airways waxaa iska leh Xildhibaan Saciid Nuur Giriish oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ilo xog ogaal ah ayaa KNN u sheegay in shatiga ay Dowladda Soomaaliya kala laabatay shirkada duulimaadka ee Jubba Airweys.

Shirkada duulimaadka ee Jubba Airweys ayaa dhawaan waxaa ay wafdi ka socda madaxweynayaasha hore ee maamulada Galmudug Cabdi kariim Xuseen Guuleed iyo Sharif Xasan shiikh Aadan Aadan oo ahaa madaxweynihii hore ee maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Xubnahaasi ayaa waxaa ay halkaasi u tageen sidii kaga qeyb gali lahaayeen caleema saarka Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe oo dib loo doortay.

Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay shirkada duulimaadka ee Jubba Airweys.