Muqdisho-KNN-Dowladda Soomaaliya ayaa shatiga duulimaadka ay ku imaan lahaayeen Soomaaliya kala noqotay diyaaradaha laba shirkadood oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya.
Dawladda Somaaliya ayaa ku eedaysay mid ka mid ah labada shrikadood oo lagu magacaabo Buff AIR SERVICES inay diyaarad ay leedahay ay si sharcidarro ah qaad usoo gelisay Soomaaliya iyo inay ku xadgudubtay xayiraaddii ay soo rogtay dawladda Soomaaliya ee dhinaca duulimaadka cudurka COVID-19 awgeed, sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.
Sararaakiisha dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in diyaarad ay leedahay shirkaddaas ay 26-kii May shixnad qaad ah gaysay magaalada Buuhoodle, iyadoo hawada Soomaaliyana kusoo gashay inay waddo gargaar daawo ah.
Sidaasi oo kale, dawladda Soomaaliya waxay shatiga duulimaadyada Soomaaliya kala laabatay Silverstone Air Services oo isla sidaasi oo kale lagu eedeeyey inay qaad si sharci darro ah kusoo gelisay waddanka iyo inay ku xadgudubtay xayiraadihii ay dowladda ku soo rogtay hawada Soomaaliya cudurka COVID-19 awgiis.
Sidoo kale xubnaha laga helay xogtan waxa ay sheegeen in diyaarad ay leedahay shirkaddaas ay 31-kii May ka degtay magaalada Jowhar oo ay geysay shixnad qaad ah, iyada oo hawada Soomaaliya kusoo gashay inay siddo daawo.
Dawladda Kenya iyo shirkadaha la mamnuucay ayaan weli ka hadlin tallaabadan ay qaadday dowladda Somaaliya ee shatiga duulimaadka ay ugala noqotay diyaaradaha laba shirkadood oo ka diiwaan-gashan dalka Kenya.