Uncategorized

Dowladda Soomaaliya oo sheegtay iney Rag Shabaab ah ku dishay Suuqa Bakaaraha.

Muqdisho-KNN-Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa sheegtay in magaalada Muqdisho gaar ahaan Suuqa Bakaaraha ay ku dishay Labo nin oo ka tirsan Al-shababa sida ay sheegtay Wasaaradda Amniga.

Wakaaladda Wararka ee SONNA ayaa Baahisay in ragaan la dilay iyagoo dil ka geysan rabay Suuqa Bakaaraha, waxaana toogtay Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugidda Soomaaliya ee Dhar Cadka loo yaqaano.

Wakaaladda SONNA ayaa qortay sidaan “Wasiirka Amniga Qaranka ayaa sheegay in Ciidamada SAMA ee Amniga Caasimadda qeybta Suuqa Bakaaraha ay howlgal ku dileen shar-wadayaal nabad-diid ah oo falal amni darro ah faraha kula jiray, wuxuuna aad ugu mahadceliyay Ciidanka howshaasi fuliyay”

Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay dilal kala duwan oo loo geestay dad isugu jira Ciidan iyo Shacab.