Somali News

Dowladda Soomaaliya oo soo bandhigay sarkaal ka soo goostay Al-shabaab

Nuur-deeq Cabdulaahi Maalinguur oo kamid ahaa Saraakiisha ugu sareeyey Dagaalameyaasha Al-shabaab ee jooga Gobolka Mudug ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Daraawiishta Galmudug.

Sarkaalka ayaa watay Gaari nooca raaxada ah iyo Qori AK-47 ah ayaa ka yimid duurka degaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, waxaana hadda lagu hayaa degmada Wisil.

Wasiirka Arimaha Gudaha XFS Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin ka tirsan Galmudug ayaa ku sugnaa goobtii maanta lagu soo bandhigay ninkan.