Muqdisho-KNN-Dowlada Soomaaliya ayaa 30 maalmood ka dib soo bandhigtay Magacyada iyo Sawirada dad ay sheegtay in ay ka dambeeyeen Weerarkii xanuunka badnaa ee ka dhacay Isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho kaas oo ay ku dhintay in ka badan 414 qof oo shacab ah sida ay shaacisay Dowladda Soomaaliya.
Wasiirka Amniga Qaranka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow “Ducaale” ayaa shaaca ka qaaday shaqsiyaadka loo qabtay falkaasi qaraxa, waxayna kala yihiin
- Mukhtar Mohamud Hassan (Gardhuub) –
- Abdiweli Ahmed Dirie (Abdiqani) oo ahaa madaxa qaraxyada Gobolka Benaadir, marka uu Gardhuub amarka ka yimaado
- Hassan Aden Isaq, oo ahaa darawalkii gaariga Noha-da, ahaana isku xirihii weerarka 14ka Oct, inta uusan wareejin Noha baa la qabtay.
- Ali Yusuf Wa’eys (Duale) oo ahaa shaqsigii loo diyaariyey inuu Noohada isku qarxiyo.
- Abdullahi Abdi Warsame
Gaariga TM ka drawalka waday oo isku qarxiyey waxaa lagu sheegay Maadey “Cismaan Xaaji”