Somali News

Dowladda Soomaaliya oo soo saartay habraaca duulimaadka dibadda.

Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda Federaalka Soomaaliy ayaa maanta soo saartay habraaca safarada ee lagu hawlgalayo inta uu jiro cudur dilaaca COVID-19 si loo ilaaliyo fayo qabka bulshada loogana digtoonaado sahal u faafitaanka xanuunka COVID-19.

Halkaan ka aqriso War-saxaafadeedka Wasaaradda.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada iyadoo kaduulaysa go’aankii Golaha Wasiiradda XFS ee soo baxay 30 kii Luuliyo, 2020 maalintii khamiista , waxaa maalinka 3 da August, 2020 dib u bilaabmaya duulimaayadii dibada.

Sidaa Awadeed Wasaaradda caafimaadka iyo Wasaaradaha ay shaqa wadaaga yihiin waxey diyaariyeen habraaca safarada ee lagu hawlgalayo inta uu jiro cudur dilaaca COVID-19 si loo ilaaliyo fayo qabka bulshada loogana digtoonaado sahal u faafitaanka xanuunka COVID-19.

Cudur dillaaca COVID-19 wuxuu saameyn mug leh ku yeeshay dhamaan caafimaadka, isku socodka iyo dhaqaalaha umadaha dunidda oo ay Soomaaliya kamid tahay. Hadaba, si loo ilaaliyo badqabka Musaafiriinta iyo shaqaalaha ka howlgala diyaaradaha waxaa lagama maarmaan ah in la dhaqan geliyo habraacaan iyo qodobadiisa si dhameestiran.

1.Wasaarada Caafimaadka waxay adkaynaysaa in la ilaaliyo fayodhowrka guud ee goobaha safarka iyadoo la qaadanayo tilmaamaha caafimaad ee ka hortaga caabuqa COVID-19 sida kala fogaanshaha iyo gacmo dhaqashada iyadoo la isticmaalka jeermis dile.

2.Qof walba oo ka dhoofaya ama imaanaaya dalka waa inuu xirtaa af-xir (Mask) si loo yareeyo faaifidda caabuqa COVID-19.

3.Waa in ay dadka safraya ay maraan baarista Xanuunka COVID-19 kana soo qaataan goobaha loo asteeyay baarista si ay iskaga soo hubiyaan inaysan qabin xanuunka (Negative COVID-19) ka hor 72 saacadood inta aysan safrin.

4.Xogta qof walba oo dhoofaya waxaa lagu diiwaan galin doonaa hanaanka xogta shaybaarka waxaana ladhigayaa nidaam laga hubiyo xogtiisa dhamaan garoomada laga dhoofo si loo xaqiijiyo sax ahaanshaha cadeynta barista COVID-19 ee uu wato qofka safraya.

5.Shirkadaha diyaaradaha waa inay fariimaha kahortaga COVID-19 dabaacaan una sharaxaan rakaabka si loo ilaayo faya qabka inta lagu gudo jiro duulimaadka

6.Qof walba oo dhoofaya ama safraya waa inuu yimmado garoonka uu ka dhoofayo 3dex saacadood kahor duulimaadkiisa si u maro hubinta caafimaadka iyo amniga.

7.Waa in dadka imaanaya dalka guud ahaan ay iska soo baaraan xanuunka COVID-19 soona qaataan warqada cadaynta baarista ah oo soo baxday muddo 96 saacadood gudohood ah.

8.Musaafirka aan wadanin warqada cadaynta baaritaanka COVID-19 ee yimaado dalka waxa uu mari doonaa karantiil inta laga xaqijinayo caafimaadkiisa iyadoo lamarsiin doono baaris caafimaad oo la xiriirta COVID-19.

9.Arimaha laxiriira kala badalka ciidamada nabad ilaalinta (AMISOM) iyo Ciidamada Ilaaliya xarumaha UNka (United Nation Guard Unit in Mogadishu) waxaa lafaraya inay raacaan habraaca UNGU Rotation Plan for COVID-19 ee sumaddiisu NV/2020/065 si ilaaliyo caafimaadka guud dalka, loona yareeyo culeyska Airport Adden Cadde International.

10.Dhamaan Hay’addaha dowliga ah ee ku shaqada leh arimaha hawlaha gegida diyaaradaha dalka in ay si dhaw uga wada shaqeeyaan arimaha duulimaayada dadka imaanayana si loogu diyaariyo jawi caafimad qab ah lagana taxadaro codurka COVID-19.

11.Wasaaradda caafimaadka waxey diyaar u tahay in ay fududeeso helitaanka adeegga baarista COVID-19 iyadoo diyaarisay goobo loo asteeyay oo heesta ogolaanshiyaha sameynta barista iyo bixinta cadeymaha COVID-19 la’aan (Negative). Sida Hoos kucad .

Goobaha Loo diyaariyay Baaritaanka

1. Benaadir Muqdisho Shaybaaraka Dhexe ee Qaranka
2. Puntland Boosaaso Shaybaaraka Boosaaso
3. Garoowe Shaybaaraka Garoowe
4. Jubbland Kismaayo Shaybaaraka Kismaayo
5. Balad-Xaawo Shaybaaraka Balad-Xaawo
6. Koonfur Galbeed Baydhabo Shaybaaraka Baydhabo
7. Hirshabeelle Jawhar Shaybaaraka Jawhar
8. Galmudug Dusamareb Shaybaaraka Dusamareb
9. Soomaaliland Hargeysa Shaybaaraka Hargeysa
10. Soomaaliland Burco Shaybaaraka Burco

FG: Dadka kunool Gobalka Banaadir waxay adeegga baaritaanada ka heli karaan xarumahaan kala ah:-De Martino hospital, Banadir Hospital, UNSOS clinic iyo Chelsea clinic.