Somali News

Dowladda Soomaaliya oo teegeero u muujisay Shiinaha

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa soo saartay war-saxaafadeed kooban, kaas oo ay kaga hadleyso xiisadda cirka isku sii shareertay ee u dhaxeysa  Shiinaha iyo Taiwan, iyadoo shaacsiay inay la safatay Shiinaha.

Sidoo kale, waxay sheegtay Dowladda Soomaaliya in ay muhiim tahay in la tixgeliyo madaxbanaanida dhuleed iyo qaranimada shiinaha.

War-saxaafadeedkan oo ay si gaar ah usoo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu xusay in Taiwan ay tahay qeyb kamid ah shiinaha.

Warkaan kasoo baxay Dowladda Sooomaaliya ayaa imaanaya, iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisada u dhaxeysa Shiinaha iyo Taiwan, taasi oo  ka dhalatay booqasho ay ku tagtay Taiwan Afhayeenka Aqalka Congress-ka Mareykanka Nancy Pelosi.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka ay soo saartay Dowladda Soomaaliya, islamarkaana ay taageernimo ugu muujisay Shiinaha.