Uncategorized

Dowladda Soomaaliya oo u digtay dadka ma soomeyaasha ah.

Muqdisho-KNN-Wasaaradda arrimaha Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay in maqaayadaha la furo oo cunto lagu kariyo maalmaha Bisha Ramadaan oo dadka ay sooman yihiin.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda Arimaha Diinta iyo Aw-qaafta Maxamed Aadan kherow ayaa Maamulka gobolka Banaadir iyo maamulada dalka ka jira ka codsaday in ay talaabo ka qaadaan soona qabtaan dadka cuntada u kariya kuwa aan soomin Bisha Barakeysan ee Ramadaan.

Sidoo kale  Xoghayaha joogtada ayaa Hay’adaha ammaanka ka dalbaday in ay ka hortagaan waxyaabaha maanka dooriya ee dalka la soo geliyo sida Qamriga iyo wixii la mid ah.

Hadalka Xoghayaha ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili Maanta ay tahay Maalinta koowaad ee Bisha Barakeysan ee Ramadaan oo Aduunka oo idin laga Sooman yahay.