Somali News

Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay askar Faransiiska uga dhimatay Maali

Muqdisho-KNN-Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa war ka soo saartay 13 askari oo dowladda Faransiiska uga geeriyootay gudaha dalka Maali ee galbeedka qaaradda Afrika.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya ayaa loogu tacsiyeeyey shacabka iyo dowladda Faransiiska oo 13 askari ay shalay uga dhimatay dalka Maali, waxayna dowladda Soomaaliya qoraalkeeda ku sheegtay inay aad uga xun tahay falka ay ku le’deen askartaas.

Warka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa kaloo lagu sheegay in wadamada Soomaaliya iyo faransiiska uu ka dhaxeeyo xiriir qoto dheer oo soo jireen ah, kaas oo iskaashi iyo wax wada qabsi intaba ah.

Ilaa 13 askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda Faransiiska ee ka howlgala dalka Maali ayaa ku geeriyooday shil diyaaradeed, kadib markii ay isku dhaceen labo diyaaradood oo Helicopter ah, xilli ay ku guda jireen howlgal ka dhan ah kooxda ka dagaalanta dalka Maali.