Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saaray baaq lagu mamnuucayo Isticmaalka, Boobka iyo Qaadashada Sharci-daradda ah ee lagu hayo sida lagu yiri qoral ka soo baxay wasarada dhammaan Dhulalka iyo Hantida Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.
Warqad kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Cadaaldda Xukuumada Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa waxaa lagu sheegay in cid kasta oo heysata horayna ula wareegtay dhul ay leeyihiin Ciidanka Asluubta inay si deg deg ah ugu soo wareejiso ciidanka Asluubta.
Sidoo kale qoraalka wasaarada ayaa lagu sheegay in cidii amaarkan u hugaansamiweydo laga qadaayo talaabo sharci ah
Amarkaan kasoo baxey Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa uu imanaya iyadoo maanta Taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed Gen. Mahad C/raxmaan Aadan uu sheegay in dhulkii ciidamada Asluubta ee Xabsigii Keydsaney oo hadda isbitaal ahaan ku shaqeeya loo sharciyeeyay dad shacab ah arintana ay masuul ka yihiin masuuliyiin ka mid ah dowladda .