Uncategorized

Dowladda Soomaaliya oo Warbaahinta ka Mamnuucday Safiirada dibadda u joogo.

Muqdisho-KNN-War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arimaha dibadda ee Dowlada Soomaaliya ayaa looga mamnuucay in ay warbaahinta la hadlaan Safiirada Soomaaliya u fadhiya Wadamada Caalamka, sidoo kale waxa laga joojiyay in ay Arimaha Siyaasadda ee taagan uga hadlaan Baraha Bulshada iyo Warbaahinta.

Qoraalka kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu amray Madaxda & Shaqaalaha Wasaaradda Arrimaha dibadda in aysan la hadlin  warbaahinta ogolaansho la’aan.

Amarkaan ayaa daba joogo go’aankii kan ka horeeyay ee Wasiirada looga Mamnuucay in ay Warbaahinta lahadlaan sidoo kalane Wasiirada looga joojiyay Baraha Bulshada in ay ku soo qoraan Warbixinada la xariira Siyaasadda Soomaaliya.

Hoos ka aqriso qoraalka Wasaaradda.