Uncategorized

Dowladda Soomaaliya”Bariire 8 Shabaab ah ayaa ku dilnay” (Akhriso)

Muqdisho-KNN-Shacab Beeralay ah oo la daala dhacayay Nolal maalmeedkooda ayaa saakay aroortii lagu laayay Shabeelaha Hoose kadib Howlgal ay sameeyeen Maraykanka iyo Ciidamada Soomaaliya, maydadka Shacabkii lagu dhameeyay Bariire oo la keenay Magaalada Muqdisho ayaa Dowlada Soomaaliya waxay ku sheegtay in ay ahaayeen Al-shaab.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa Bartiisa Facebook ku qoray in ay dileen 8 Shabaab ah kadib Howlgal Ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Maraykanka ay ka sameeyeen Duleedka Bariire laakiin Xaqiiqda Shacabkii lagu laayay Bariire ayaa ahaa Shacab Bareelay ah oo ay ku jiraan 2 Caruurah.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya ayaa yiri -:

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ee hoos yimaada Taliyaha Ciidanka Difaaca Guud Axmed Maxamed Jimcaale(Cirfiid), iyo saaxibadda caalamiga ah ayaa hawlgal amaan xaqiijin ah waxa ay ka bilaabeen maanta oo taariikhda ay ku beegneed 25-kii Augusta meel ku dhow deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose taas oo keentay dhimashada 8-deed ka Tirsan Dagaalyahanada Al-shabaab.

Ciidamada nabadgelyada waxay u baxeen dhirer wayn si looga hortago khasaaraha rayidka ah inta lagu jiray hawlgalka mana jirin qof shacab ah oo lagu dhibaateeyay weerarka ka dhacay deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

“Ciidanka XDS waxay saaka aroornimadii ku qaadeen  weerar qorshaysan beer ku taala Bariire oo ay joogeen dagaalyahanada Al-shabaab, Al-Shabaab ayaa bilaabay in ay rasaas kusoo furaan ciidammada XDS ka dib markii askarteena ay galeen beerta. Shaqsiyaadka Ciidamada Xoogga dalka Soomaliyeed ay toogteen waxa ay ahaayeen  dagaalyahannada Al-Shabaab.

Intaa waxaa dheer, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha hoose Ibraahim Cali ayaa yiri, “Beerta Bariire ku taala waxay ahayd xerada dagaalyahanada Al-Shabaab, Shakhsiyaadka lagu dilay weerarka intuu socday waxa ay ahaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dhinaca Kale Wasiirka Gaashaan-dhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahi Maxamed ayaa wareysi uu siiyay VOA waxa uu ku sheegay in waxa la dilay aysan Aheyn Shacab balse la dilay dad hubeysan oo diiday in ay hubka dhigaan, sidoo kale wasiirka difaaca ayaa sheegay in aysan ku jirin Caruur waxa la laayay waana hadal kale oo aysan ku farxin ehelada Shacabka la laayay.

Hoos ka aqriso Qoraalka Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Eng Yariisow.