Barnaamijyo Faalooyin Keydka Sawiradda News in English Sports Tafsiir

Dowladda Soomaaliya”Waxaan dilnay Hoggaamiye Sare oo ka tirsan Shabaab”

Muqdisho-KNN-War-Saxaafadeed ka soo baxay Wasiirka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Howlgal Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Caalami ah ay ka fuliyeen Duleedka Magaalada Muqdisho ay ku dileen hogaamiye Sare oo ka tirsan Shabaab.

Wasiir Yariisow ayaa Bartiisa Facebook ku soo qoray qoraal kooban uu kaga hadlaayo Howlgal la sheegay in uu Amray Madaxweynaha Soomaaliya kaas oo laga Sameeyay duleedka Magaalada Muqdisho.

Hoos ka aqriso qoraalka Wasiirka Warfaafinta.

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmajo) ayaa amray howlgal qorsheysan oo ay nala fuliyeen saaxiibada caalamka ee ShaashWeyn oo bannaanka gobolka Benaadir ah halkaas oo lagu dilay horjooge sare ee kooxda maleeshiyaadka argagaxisada Al-Shabaab.

Horjoogahan kooxda argagaxisada ka tirsan ayaa mas’uul ka ahaa qorsheyaasha lagu fulinayey qaraxyada iyo dilalka qorsheysan eek a dhacayey Muqdisho oo lagu dilay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Labadii usbuuc ee u danbeysey ayaa geesiyaasha ciidanka Soomaalida ayaa bartilmaameysanyey kooxaha argagaxisada jid-gooyooyinka ay lacagaha baadka uga qaadaan shacabka, oo weliba weeraradaas mid ka ah lagu qaarajiyey horjoogihii Muqdisho u qaabilsanaa argagaxisada Al-Shabaab oo lagu magacaabi jirey Cali Maxamed Xuseen (Cali Jabal).

Madaxweyne Farmaajo iyo dowladiisa ayaa ay ka go’antahay in kooxaha argagaxisada ah laga ciribtiro dalka, so shacabka looga badbaadiyo qaraxyada iyo dilalka qorsheysan, tanoo shacabka Soomaaliyeed, kuwa Afrikada Bari iyo Caalamkaba dan u ah.