Muqdisho-KNN-Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa ay amar dul-dhigtay shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howlgalla dalka,kuwaas oo ruqsad ka heysta Dowladda Soomaaliya.
Qoraal kasoo baxay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka ayaa lagu amray Shirkadaha Isgaarsiinta inay isku furaan qadadka taleefoonadooda,isla markaana dhammaan Shirkadaha taleefoonada ay noqdaan kuwo is wici kara.
“Iyada oo la dhaqan-gelinayo qodobka 49aad ee xeerka Isgaarsiinta Qaranka iyo iyo xeer-nidaamiyaha isku-xirka (interconnection regulation) ee faraya shirkadaha isgaarsiinta inay isku furaan khadadkooda (interconnection) maadaama ay tahay dan guud oo waajib ku ah dhammaan shirkadaha isgaarsiinta dalka ayaa waxaa shirkadaha haysta rukhsadda isgaarsiineed ee Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka la faray in ay billaabaan hannaankii ay isugu xirmi lahaayeen’ ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaarada.
Sidoo kale Qoraalka ayaa waxaa looga hadlay waqtiga ay kulmi doonaan Shirkadaha isgaarsiineed ee ka howlgala dalka.
“Muddadda wada-xaajoodka oo ka bilaabanaysa 10ka Abriil 2019, kuna eg 10-ka August 2019 ayaa waxa ay Shirkadaha ka wada-xaajoon doonaan arrimaha khuseeya isku-xirka sida dhaqaalaha iyo farsamada.
Amarkan hadii uu dhaqan galo ayaa waxaa fursad weyn ay u tahay shacabka Soomaaliyeed, Xilli dhibaato ay ku qabaan Isgaarsiinta Dalka.