muqdisho-KNN-Dowladda Spain ayaa waxa ay sheegtay inaysan ogolaan doonin heshiiska Britain ay uga baxayso Midowga Yurub ilaa isbadel loogaga sameeyo sida loo dhigayo arrinta deegaanka Gibraltar ee ay Britain maamusho ee ku yaal xeebta koonfureed ee dalkaasi.
Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa dabayaaqada todobaadka waxa ay dib ugu laabanaysaa magaalada Brussels si ay uga qeybqaadato wadahadallada Britain ay uga baxayso Midowga Yurub.
Arrintan ayaa imanaysa xilli UK iyo Midowga Yurub lagu wado inay heshiis ku gaaraan shirka Axadda ay isugu imanayaan madaxda Yurub.
Kaddib laba saacadood oo ay shir la laheyd saraakiil ka socotay Midowga Yurub, ra’iisul wasaaraha Britain ayaa waxa ay sheegtay in horumar laga sameeyay qaabka uu mustaqbalka noqon doono xiriirka ka dhaxeyn doono Midowga Yurub iyo Spain.
Raysal wasaaraha dalka Spain, Pedro Sanchez ayaa sheegay in axdiga ka bixitaanka iyo qorhshaha wehliya ee xiriirka mustaqbalka ee Midowga Yurub iyo UK, aysan ahayn kuwo ay Spain aqbali karto.
Sanchez ayaa sheegay in ilaa isbedello la sameeyo kahor Axadda, ay Spain shirka u adeegsan doonto waxa uu ugu yeeray awooddeeda codka qayaxan.
Wuxuu doonayaa in la kala caddeeyo haddii xiriirka ganacsi ee mustaqbalka dhex mari doona Midowga Yurub iyo UK ay tahay in lagu dabaqo Gibraltar, sidoo kalena UK ay waajib ku tahay inay Spain la yeelato xiriir kale oo gaar ah.


