Uncategorized

Dowladda Sucuudiga oo joojisay Wadahadallo ay la yeelan lahayd Qadar.

Muqdisho-KNN-Sucuudi Carabiya ayaa sheegtay in ay joojisay Qorshe la doonayay in ay wada hadal la yeelato Dowladda Qadar oo ay kala dhexeeyso xiisad dublamaasiyadeed, Saacado kadib markii uu soo baxay  war deg-deg ah oo sheegay in ay Qadka Tilifoonka ku wada hadleen Boqor-ka Dalka Qadar iyo dhaxal sugaha Sucuudiga kuwaas ka wada hadlay in Xiisadda u dhexeysa wada hadal lagu dhameeyo.

Wada hadalka Qadka Tilifoonka ee dhax maray Amiirka Qadar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani iyo Dhaxal sugaha Sucuudiga Mohammed bin Salman  ayaa ah Xiriir rasmi ah midki u horreeyay ee dhax mara Doxa iyo Riyad.

Warbaahinta Labadda Wadan ayaa Baahiyay in Masuuliyiintu ay ka wada hadleen in Mushkiladda u dhexeeya wada hadal lagu dhameeyo.