Somali News

Dowladda Sudan oo ka hadashay ‘afgembi fashilmay’

Muqdisho-KNN-Dowladda Sudan ayaa sheegtay in ay dib u furtay hawada dalkaas iyo garoonka diyaaradaha ee Khartoum, kadib shaqaaqadii shalay caasimadda dalkaas ku dhex-martay ciidanka dowladda iyo askar daacad u ah madaxweynihii xilka laga tuuray.

Madaxa golaha dowladda Sudan, Jeneraal Cabdifataax Al-Burhani ayaa sheegay in laba aksari la dilay xilli ciidanka dowladda ay isku dayayeen in ay xaaladda gacanta dowladda ku soo celiyaan.

Jeneraalka ayaa sidoo kale sheegay in marnaba aysan oggolaan doonin agfembi aan sharci ahayn.

Ciidanka militeriga ee Sudan ayaa sheegay in ay la wareegeen xarunta sirdoonka ee dalkaas, halkaas oo ay gadood ka sameyeen ciidamo mar daacad u ahaa madaxweynihii xilka laga tuuray ee Cumar Xassan Al Bashir.

Qarax iyo dhawaqa rasaasta ayaa shalay laga maqlay caasimadda Khartoum, waxaana hareeraraha wadooyinka waaweyn ee magaalada Khartoum lasoo dhoobay taangiyo iyo baaburta gaashaman, taas oo xiisad iyo walaac amni ku abuurtay dadka reer Sudan.