Somali News

Dowladda Sudan oo xirtay Muhaajiriin Somali ah iyo kuwii Tahriibinayay.

Ciidamada Booliska Sudan ayaa xiray laba koox oo iyagu dadka Afrikaanka ka tahriibiya Dalkaasi Sudan gaar ahaan xuduuda ay wadaagan Sudan Iyo Ethiopia.

Booliska ayaa qabtay 23 Qof oo Somali ah iyo 56 gabdho Ethiopian ah oo laga soo xiray caasimadda sudan ee Khartum.

Booliska oo dadkaan faah faahin kabixiyay ayaa sheegay in 18 qof ay yhiin Dhalinyaro Somali ah laba haween iyo 3 caruur oo dhamaantod Somali yihiin

Kuwasi oo Soomaaliya marki ay katageen gaaray Ethiopia kadibna la damacsanaa in Sudan oo hadda lagu qabtay laga sii ambabixiyo.

3 Qof oo udhashay Sudan ayaa kiiska tahriibinta dadkaan u xiran kuwaasi oo waday labada gaari ay saarnaayen ee gacanta lagu dhigay.